WASHINGTON — Dhageysteyaal kusoo dhowaada Barnaamijkii Caaweyska Washington waxaa inoo soo diyaarisay soona jeedineysa Caasha Ibraahim Aadan.
Madaxweynihii hore ee dalkan Maraykanka, Donald Trump ayaa sheegay in uu racfaan ka qaadan doono xukun ay riday xeer beeg magaalada New York kaasoo Trump ku helay inuu ku xad-gudbay haweeney qoraa ah oo lagu magacaabo Elizabeth Jean Carroll kadibna uu sumcad dil u geystay .
Magaalada Xuddur ee gobolka Bakool ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed waxaa shalay ka dhacay bannaanbax ay sameeyeen dadweyne sheegay inay ka xun yihiin sida uu u dhintay askari ay sheegeen inuu ka mid ahaa askarta Soomaalida ee dhowaan tababarka loo geeyey dalka Uganda oo geeriyooday
Sannadkasta marka la gaadho Isniinta saddexaad ee bisha January waxaa dalka Maryakanka laga xusaa dhalashada hoggaamiyihii madowga ahaa ee Martin Luther King Junior, oo ahaa halgamaa u dhaqdhaqaaqa xuquuqda madaniga ah ee dadka madow.
Maanta oo kale waxaa sannad walba Soomaaliya laga xusaa maalinta deegaanka ee Soomaaliya. Xuskan ayaa kusoo aadaya iyadoo ay meel aad u xun marayso xaalufka degaanka ee ka jira dalka. Soomaaliya waxaa si xoog leh looga dareemayaa cawaaqibka ka dhashay xaalufinta dhirta.
Baarlamaanka dalka Pakistan ayaa Sabtidii shalay u codeeyay in ra'iisul wasaare Imran Khan uu xilka ka dego, ku dhawaad afar sano kaddib markii uu xafiiska la wareegay. Codbixinta ayaa ka bilaabantay golaha baarlamaanka, saqdii dhexe ee xalay, saacadda dalkaasi
Banaamijka Haweenka iyo Qoyska ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay fursadaha shaqo helista ee gabdhaha ku nool magaalada Garoowe.
Qaar ka mid ah Soomaalida waxbarashada u joogay dalka Ukraine ayay caqabad ka haysataa sidii ay uga bixi lahaayeen dalkaasi iyagoo ka cabsi qaba in colaaddu soo gaarto magaalooyinka ay ku nool yihiin. Cabdiraxmaan Xasan oo ka mid ah ardayda Soomaalida ee wax ka baraneysay Ukraine...
Waxaa inta badan soo noq noqda is qab qabsiga siyaasiyiinta soomaalida ee isku haya hoggaanka dalka, waxaana mararka qaar dhacda in ay talaabooyinkooda ay khal khal galiyaan xasiloonida shacabka ku dhaqan dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.
Barnaamijka waxaan todobaadkan kaga hadleynaa saddex waxyaabood oo inta badan dumarka u horseeda in ay cayilaan marka ay dhalaan ka dib.
Waxaan toddobaadkan marti ku ah Barnaamijka Qoyska Fartuun Abuukar Sankuus oo laba sano ka hor carruurteeda ka rartay Gobolka Kentucky ee dalka Mareykanka una guurtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, balse hadda dib ugu soo noqotay isla gobolkii ay 2 sano hor ka guurtay.
Allah ha u naxariistee waxaa xalay fiidkii magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Wardhiigley ku geeriyooday Fanaanka Maxamed Aaden Shamuuri oo ka tirsanaa hoballada Waaberi.
Waalidiinta Soomaalida ah ee ku nool qurbaha, gaar ahaan waddamada Yurub, America, iyo Australia, ayaa qaarkood carruurta ula guura dalalka Africa iyo kuwa islaamka, iyagoo rajo ka qaba in ilmahooda ay u helaan barbarin ku saleysan hab waafaqsan diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaalida.
Waxaa isa soo taraya walaaca waalidiin badan oo daggan dalka Maraykanka ay ka qabaan dib ugu noqoshada iskuulada ee sanad dugsiyeedka 2021-2022 kuwaasoo badankood furmaya toddobaadka soo aaddan (August 23, 2021).
Barnaamijka Haweenka iyo Qosyka ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay doorashooyinka aqalka sare iyo kan baarlamaanka ee dhowaan ka bilaaban doona Soomaaliya iyo rajada haweenku ka qabaan in ay kuraastaasi qaybtooda ka qaga fariistaan.
Barnaamijka Haweenka iyo qoyska ee toddobaadkan waxa uu u saabsan yahay qoysas ku barakacay dagaal beeleed toddobaadkan ka dhacay degaano hoos tagad degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Kuwo kale