Aqalka Cad ayaa xalay ku dhawaaqay in Madaxweyne Trump uu hakiyay gargaarkii milatari ee ay Dowladda Mareykanka siineysay Ukraine.
Sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa qoraal email ah ugu sheegay VOA in "Madaxweyne Trump uu caddeeyay in uu diiradda saarayo nabadda." Wuxuu intaasi raaciyay in ay doonayaan in saaxiibbada Mareykanka ay arrintaasi xoogga saaraan.
Sarkaalka, oo aan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in Maamulka Madaxweyne Trump uu hakiyay gargaarka hubka Ukraine si dib u eegis loogu sameeyo kaalmada Mareykanka, si loo hubiyo, ayuu yiri, in tani ay gacan ka geysaneyso xalka.
Goor sii horreysay oo Isniintii shalay ahayd, ayuu Madaxweyne Trump sheegay in heshiiska macdanta naadirka ah ee Ukraine uu muhiim u yahay sii wadista kaalmada uu Mareykanka siiyo Ukraine.
Faahfaahin dheeri ah oo arrintan la xiriirta ayuu tilmaamay in uu kaga hadli doono khudbadda la wada sugayo ee uu caawa kula hadli doono xubnaha labada aqal ee Kongareeska Mareykanka.
Hakinta gargaarka hubka Mareykanka ee Ukraine ayaa imaneysa maalmo yar kaddib markii ay madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ukraine hadallo kulkulul isku weydaarsadeen xafiiska madaxtooyada ee Aqalka Cad, xilli ay mas'uuliyiinta hor joogeen kaamirooyinka telefishannada caalamka.
Madaxweyne Trump ayaa riixay in si dhaqso ah loo soo afjaro dagaalka Ukraine iyo Ruushka, halka Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy uu muujiyay cabsi ah in xalka Trump ee joojinta dagaalka uu guul siinayo Ruushka.
Madal