Sidee weeraradii September 11 u beddeleen nolosha Muslimiinta Mareykanka?
WASHINGTON —
Weeraradii 11-kii September 2001 dhacay waxa ay weli saameyn ku leeyihiin Muslimiin badan oo ay Soomaaliduna ka mid tahay, kuwaas dalkan Maraykanka ku nool inkasta oo dowlada iyo maamulada goboladuba ay qaadeen tallaabooyin lagu ilaalinaayo Muslimiinta Mareykanka ah.
Mareykanka ayaa go'aansay in Muslimiinta Mareykanka ah aysan dhibanayaal ugu noqon wixii dalkan ka dhacay 20 sano kahor, oo ay geysteen rag ka soo jeeday dalal Muslimiin ah.