Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxaan idiin ku haynaa sheekooyin aad si wayn ugu qosli doontaan, kuwaasoo ay ka mid yihiin;
sheeko qosol leh oo dhex martay gabar iyo aabeheed oo ku saabsan sida uu ugu jawaabay ka dib markii ay weydiisatay inuu talo ka siiyo jacayl ay u qaadday wiil ay isku barteen shabakadaha bulshada. Waxaan kaloo iidiin haynaa majaajiliiste Cusmaan Bullo iyo jawaabtii uu siiyay saaxiibadii uu ballanqaadka u soo sameeyay markii uu u soo dhoofayay dalkan Maraykanka, iyo sidoo kale qayb 5aad oo ka mid ah wareysiga abwaan C/laahi Xasan Ganey oo toddobaadkan aan idiinka hayno qayb xiiso badan oo ku saabsan wareysigii ay Caasho Ibrahim dhowaan la yeelatay.
Barnaamijka oo dhameystiran ka dhageyso qaybta hoose